Heemaal News Network
Caalamka

Booliska UK Oo Laga Dalbaday Inay Xidhaan Madaxweyne Sisi-ga Masar.

Sharci-yaqaano ku sugan UK ayaa Booliska London u gudbiyay codsi ah in xidho madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisii oo ay ku eedeeyeen doorkii uu ku lahaa geerida Maxamed Mursi.

Madaxweynihii hore ee sida dimuquraadiga ah ay u soo doorteen shacabka Masar ayaa istaaga ka dhacay, isagoo ku sugnaa Maxkamada magaalada Qaahira.

Sharci yaqaanadaan ayaa intaa ku daray in dowlada Masar ay si khaldan u adeegsatay awoodeeda taasi oo sabab u ah in xanuun uu u dhinto madaxweyne afganbiga xilka looga qaaday Cabdifataax Al-Siisii.

Baaqaan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Cabdi Fatah Al-Siisii Isniintii shalay socdaal laba maalmood ah ay uga bilaabatay UK.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More