Heemaal News Network

Boqorka Sacuudiga Oo Ku Baaqay In Lagu Duulo Iiraan

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz Al Saud ayaa khamiistii aduunka ku booriyay in ay Iran ka qaataan wax uu ugu yeedhay“go’aan adag” si wax looga qabto dadaalada ay wado Iiraan ee ay ku horumarinayso barnaamijyada nukliyeerka iyo gantaalaha ballistic, waqti uu jeedinayay khudbadiisa sanadlaha ah.

Boqortooyada ayaa carabka ku adkeysay qatarta mashruuca nukliyeerka Iiraan uu gobolka, faragalinta ay ku hayso wadamada kale, taageerida argagixisada, kicinta dabka diimeed waxayna ku baaqeysaa in bulshada caalamku mowqif adag ka qaadato Iran, talaabadaas oo ah mid damaanad qaadeysa in si adag wax looga qabto dadaalada ay ku dooneyso inay ku hesho hubka wax gumaada iyo inuu horumariyo barnaamijkiisa gantaalada ballistic-ga, ”ayuu yiri boqorka.

Hadalkan ka soo jeeday boqorka 84-sano jirka ah ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay ee uu jeediyo tan iyo markii uu khudbada ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay bishii Sebtember isagoo adeegsanaya fiidiyow, halkaas oo uu sidoo kale ku cambaareeyay Iran iyo wax uu ugu yeedhay qordhaheeda “is-ballaadhinta”.

Sucuudiga oo u badan Muslimiin Sunniyiin ah iyo Iran oo Shiicada Muslinka ah hogaanka u haysa ayaa ku loolamaya awooda gobolka bariga dhexe, waxana ay si gaar ah ugu Yemen halkaas oo xulufada uu Sucuudigu hoggaamiyo ay la dagaallamayaan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Tehran taabacsan in ka badan shan sano.

Related posts

Maxkamada Puntland Oo Xabsiga ka Siidaysay Dhalinyaro U Xirnayd Dilkii Guddoomiyihii Nugaal.

Heemaall

Borama:-Saylici Oo ka Qayb-galay Qalin-jabinta Dufcada 1aad Ee Jaamacada Culuumta Caafimaadka Ee Adal.

Heemaall

Tigrayga Oo Qabsaday Xarunta Taliska Waqooyi Ee Ciidamada Ethiopia.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More