Heemaal News Network

Boqorka Sacuudiga Oo Wacay Erdogan Ka Hor Inta Uuna Furmin Shirka G20

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan ayaa wacay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan jimcihii kahor shirka G20 ee ka dhici doona Riyadh Sabtida iyo Axada.

Xiriirka labada dhinac iyo isku dubaridka dadaallada lagu yaraynaayo is qabqabsi ka dhaca shir madaxeedka ayaa laga wada hadlay, sida ay warisay wakaaladda wararka Sacuudi Carabiya (SPA).

Wadahadalkan ayaa diirada lagu saaray, sidii loo yarayn lahaa dhaleecayn uga timaada Turkiga dalka Sacuudiga oo ku aadan, dilkii Jamaal Khashoogi, oo cidama Sacuudi ahi ku dileen dalka Turkiga.

Sacuudiga ayaa cabsi badan ka qaba in uu shirki isku badlo goob canbaaray, oo looga hadlo, dagaalka Yaman iyo Dilkii Jamaal, halka ay doorbidayaan in looga hadlo, saamaynta uu dhaqaalaha caalmka ku yeeshay Covid-19.

Related posts

Muwaadin Norwiij Ah Oo Maxkamada Hargaysa Dil Ku Xukuntay

Heemaal

Uhuru Kenyatta Oo Dhiggiisa Talyaaniga Kulan Xasaas ah kula Yeeshay Roma

Heemaall

Abiy Ahmed Oo Dhiirigalin Usameyn Doono Ciidanka Dagaalka kula jira Tigreega

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More