Boqorka Sucuudiga Oo Biladdo Qaali ah Guddoonsiiyay Madaxda Itoobiya Iyo Eritrea.(Sawiro)

Boqorka Sucuudi Carabiya Salman Bin Cabdulcasiis ayaa biladdii ugu sareysay ee Boqortooyada guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Shirka Nabadda ee lagu saxiixayo heshiiska dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa ka socda magaalada Jeddah, iyadoo ay goobjoog ka yihiin Dhaxalsugaha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres iyo mas’uuliyiin kale.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa door weyn ku laheyd heshiiska Itoobiya iyo Eritrea oo lagu soo afjaray colaadii labada dal u dhaxeysa muddo labaatan sano ah, isla markaana uu caadi ku soo laabtay xiriirkii labada dal.

© Heemaal News Netwok