Heemaal News Network
Caalamka

Boqortooyada Ingiriiska Oo Milatary U Isticmaashay La Dagaalanka Coronavirus

 

Boqortooyada Ingiriisku waxay u dirtay ciidankeeda milatariga si ay qalabka difaaca coronavirus u gaarsiiyaan isbitaallada, waxayna dadka u sheegeen in ay gurigooda joogaan oo ay dhegahooda u furan fariimaha dawlada kana fogaadaan  waxyaabaha qalqal galinaya bulshada.

Talaabadan ay UK u adeegsatay milatariga ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa waqti ay dowladdu soo saartay digniino ku aadan inay talaabo ka qaadi doonto cid walba oo ku xadgudubta amarada laga soo saaray ka hortaga faafitaanka coronavirus.

Dhawaan ayay ahayd markii  dhakhaatiirta UK ay walaac ka muujisay agabka difaaca xanuunkan oo gabaabsi sii noqonaya, waxana cabashadan dawladu ay jawaab uga dhigtay isticmaalka Milatariga dalkaas oo ay sheegtay in ay gacan ka geysan doonaan soo dejinta malaayiin shey ah oo agabka difaaca coronavirus ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More