Heemaal News Network
somali

Boqortooyada Ingiriiska Oo Shaaciyey inuu Geeriyooday Boqor Philip.

Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth II ninkeeda, Prince Philip ayaa geeriyooday isagoo 99 jir ah, sida uu shaaciyay qasriga Buckingham.

Amiirka ayaa boqoradda oo xilligaas ahayd Princess Elizabeth guursaday sanadkii 1947-kii, shan sano ka hor inta aysan noqonin boqorad, waxaana uu ahaa seygii muddada ugu badan kasoo howl galay taariikhda boqortooyada Ingiriiska.

Amiirka darajada boqortooyo leh waxa uu u geeriyooday si nabad ah isagoo ku sugan Windsor Castle. waxayna boqoradda isu dhaleen afar carruur ah, siddeed carruur ahna waxaa sii dhalay ilmahooda halka 10 ay carruurtaas kale sii dhaleen.

“Waa murugo qota dheer in Boqoradda ay ku dhawaaqdo geerida seygeeda ay jecleyd, Prince Philip, oo ahaa amiirka Edinburgh” ayaa lagu yiri Bayaan kasoo baxay qasriga Buckingham:

Related posts

Xamar Iyo Hargeysa Loolan Siyaasadeedbaa Ka Dhexeeya Anigu Ma Rabo” Abwaan Yuusuf Shaacir

Heemaall

Gollaha Wasiirrada Somaliya Oo Maanta Ansixiyay Xeerar Dhawr ah.(Sawirro)

Heemaall

Xildhibaan kala Xiriiray Dowlada Eritrea Arrinta Dhalinyarada Maqan Oo ka Waramay.

Heemaall