Heemaal News Network
somali

Boris Johnson Oo Ka Cudur Daartay Ka Qayb Galka Aaska Amiir Philip

Rai’sul wasaaraha dalka Britain ayaan ka qeyb gali doonin aaska Amiir Philip oo jimcihii geeriyooday, isaga oo ka cudur daartay, una tanaasulay xubnaha qoyska boqortooyadda ee jecel in duugista ka qaybgalaan.

“Si inta suurtagalka ah ay xubno badan oo qoyska ka mid ah uga qeyb galaan duugista, ayaa raisal wasaaruhu aanuu ka qayb galayn aaska ,xilli ay jiraan xannibaadaha feyriska Corona ” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska rai’sul wasaaraha.

Aaska amiirka ayaa lagu wadaa in uu dhaco sabtida soo socota. Soddon qof oo kali ah ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan aaska loo sameynayo amiir Philip oo jimcihii geeriyooday.

Dadka ka qeyb galaya ayaa waxaa ay isugu jiraan caruurtiisa, caruurta uu awowga u yahay iyo xubnaha kale ee qoyskiisa.

Dad waynaha dalka Britain ayaa laga codsaday in aysan ka qeyb galin aaska amiirka.

Amiir Philip ayaa waxay da’diisu ahay markii uu dhimanayay 99 sano jir

Related posts

Taliyihii Booliska Shibis Ee ku Biiray Mucaaradka Oo Xilkii Laga Qaaday Mid kale-na Lagu Bedelay

Heemaall

Turkey Oo si Carro Leh Uga Jawaabtay Tallaabadii Uu Qaaday Madaxwayne Biden.

Heemaall

Hooyo ka Gubatay 35-$ kun Oo Amaano ah Oo ay Dhulka ku Aastay Oo Taagro Dalbatay

Heemaall