Heemaal News Network
somali

Bosnia Oo Diiday inay Taageerto Cunaqabateynta Midowga Yurub ay kusoo Rogeen Ruushka

Hogaamiyaha Bosnia Milorad Dodik ayaa u sheegay madaxweynaha golaha Yurub Charles Michel in Bosnia ay u baahan tahay inay ilaaliso dhexdhexaadnimada oo aysan ku biirin cunaqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Ruushka .

Waxaa uu sheegay in dalkiisa uusan cidna ku raaci doonin in cunaqabateyn la saaro, islamarkaana uu dhexdhexaad ka noqon doono xaaladda Ukraine.

“Waxaan u maleynayaa inay muhiimadda ugu weyn u leedahay Bosnia inay ahaato dhexdhexaad,” Dodik ayaa ka sheegay shir jaraa’id.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Xaalada aan ku jirno, waxay nagu noqon doontaa dhibaato inaan ku soo rogno nooc kasta oo cunaqabatayn ah oo aan ku biirno EU ama cunaqabatayn caalami ah.”

Dalalka Yurub ayaa intooda badan go’aansaday in ay cunaqabateyn kusoo roggaan dalka Ruushka ka dib markii uu weerar ku qaaday dalka Ukraine.

Related posts

Muuse Biixi Oo si dag Uga Hadlay Dadkii Laga Musaafuriyay Laas-Caanood

Heemaall

Kenya Oo Joojisay Go’aankii Xidhista Xeryaha Qaxootiga

Heemaall

Jubaland: Ciidanka Danab Oo Hawlgalo Fuliyay

Heemaall