Heemaal News Network
Caalamka

Britain Oo Codsi Soo Qabasho U Jartay Saraakiil Imaaraati Ah Oo Denbiyo Dagaal Lagu Eedeeyay.

Shirkad dhinaca Sharciga ah oo magaceeda la yidhaa Stoke White oo laga leeyahay dalka Britain ayaa ka codsatay masuuliyiinta dalalka Maraykanka, Britain iyo Turkiga in ay xidhaan saraakiil sare oo u dhalatay Imaaraatka Carabta oo lagu tuhunsan yahay inay Jidh-dil iyo dambiyo dagaal ka gaysteen dalka Yemen.

Qareenada ka hawl-gala Stake White ayaa codsigooda u cuskatay xeer caalami ah oo u ogolanya inay dacweeyaan sidoo kalena dalalka waajib kaga dhigaya in ay baadhitaan dhinaca dambiyada dagaalka ah ku samayn karaan cida la tuhmo ee la soo eedeeyay meesha uu doono ha jooga, dalka uu doonana ha u dhashee.

Shirkadan ayaa codsigeeda u gudbisaty Taliska Booliska Britain, kan Maraykanka iyo Wasaarada Cadaalada ee Turkiga iyada oo u doodaysa dhibanayaal Yemeni ah oo kala ah Abdullah Suliman Abdullah Daubalah, oo suxifi ah iyo Salah Muslem Salem, oo walaalkood lagu dilay dalka Yemen.

Qareenada ragan Yemenida ah ayaa waxa ay codsigooda soo qabasho ku sheegeen in Imaaraatka Carabta iyo Calooshood-u-shaqaytayaal u adeegayay ay ka masuul ahaateen Jidh-dil iyo dambiyo dagaal oo dad rayid ah loogu gaystay dalka Yemen Sanadihii 2015 iyo 2019, waxana ay magacaabeen Siyaasiyiin Imaaraati ah iyo Saraakiil milatari oo gabood-faladaas ay ku tuhunsan yihiin.

“Kiiskan aan gudbinay codsigiisa waxa uu ka dhan yahay saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga ee dawlada Imaaraatka iyo Calooshood-u-shaqaytayaal u dhashay Maraykanka oo amar ka haystay una shaqaynayay Imaaraatka” ayuu yidhi Hakan Camuz, oo ah madaxa Qaybta Sharciyada Caalamiga ah ee Shirkada Stoke White.

Qareen Camuz ayaa intan waxa uu ku daray “Waxa aan aaminsanahay in in kiiskan uu waafaqsan xeerarka caalamiga ah, sidoo kalena ay masuuliyiinta dawladaha Maraykanka Britain iyo Turkiga qasab ku tahay inay baadhitaan sameeyaan dacwad-na ku soo oogaan eedayanayaasha sida uu qabo qaanuunka caalamiga ah”

Qareen Camuz ayaa waxa kale oo uu sheegay in Dhibanayaasha ay u doodayaan ay ka soo qaxeen dalkeedii hooey, sidoo kalena qaar ka mid ah eedaysanayaashu ay ku nool yihiin Imaaraatka ayna aalaaba u safraan Maraykanka iyo Britain halka qaar kale oo eedaysanayaasha ahna ay ku nool yihiin Maraykanka.

Imaaraatka Carabtu kama jawaabin eedahan, si la mid ah sidaas ayaanay Taliska Booliska ee London wali ka dareen celin codsiga loo soo jeediyay, ilaa hadana ma jirto wax jawaab ah oo ogolaasho ama diidmo sheegaya oo laga helay Wasaarada Cadaalada Maraykanka Safaarada Turkiga ee London.

Imaaraatka Carabta ayaa qayb ka ahaa Xulafada Sucuudiga ee dagaalka ku qaaday Yeme, xulafadan ayaana taageerta dawlada uu caalamku aqoonsan yahay ee Madaxwayne Abd-Rabbu Mansour Hadi ee dagaalka kula jirta falaagada Xuutiyiinta, waxana ay ahayd sanadkii 2019kii bishiisii Julay markii uu Imaaraatku ku dhawaaqay in uu ciidamadiisa kala baxayo Yemen, balse wali uu qayb ka ahaan doono xulafada.

Ingiriiska ayaa hore dacwado ugu soo oogay tiraba laga goor eedaysanayaan Ajinabi ah, kuwaas oo loo haytay inay gayteen dambiyo dagaal iyo gabood fal xuquuqda aadamaha ah iyaga oo tixraacaya qaanuunka caalamiga ah ee shirkan Imaaraatka dacwaysay ay cuskatay.

Waxana ay kala ahaayeen raga ay labadaas goor Britain dacwaysay damiyadana ku heshay Faryadi Zardad oo u dhashay Afganistaan oo maxkamadi ku heshay dambiyo jidh-dil iyo qafaalasho iskugu jiray markii dambana lagu xukumay 20 sano oo xadhig ah sanadkii 2005tii iyo Kornayl u dhashay dalka Nepol oo lagu magacaabi jiray Kumar Lama oo xadgudubyo ay ku dacwaysay sanadkii 2016.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More