Heemaal News Network
somali

Bulshada Rayidka Oo soo Jeediyay In Guddi loo Saaro Dhibaatada ka Chalatay Ciidamadii ku Dagaalamay Muqdisho

Ururada Bulshada rayidka ayaa soo dhaweeyay Go’aankii Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu howlaha doorashada & Amniga ugu wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo sidoo kale ka hadlay ciidamada ku dagaalamay dhawaan Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Ururada Bulshada rayidka ayaa waxaa agu sheegay inay diyar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii dalka uga dhici laheyd doorasho, iyaga oo sidoo kale dalbaday in Guddi loo saaro dhibaatadii ka dhalatay Ciidamada kasoo horjeeda muddo kordhinta iyo kuwa ka amar qadanayay Madaxtooyada eek u dagaalamay muqdisho.

Halkan Ka Akhriso Qoraalka Ururada Bulshada rayidka Soomaaliya.

Isutaga Ururada Bulshada Rayidka Soomaliyeed waxa ay soo dhaweenayaan codsigii madaxweynaha ee in dib loogu laabto hishiiskii 17 September iyo aqbalaadii golaha shacabka uu ku aqbaley codsiga madaxweynaha isla markaasna ay dib uga noqdeen waqti kororsiga aan sharciga ahayn oo ay hay’adaha dastuuriga ugu dareen muddo laba sono ah 12 Abril 2021.

Bulshada Rayidka waxa kaloo ay soo dhaweenayaan xil wareejinta uu madaxweynaha xilka doorashada iyo amnigaba uu ku wareejiyey ra’isul wasaaraha iyo xukuumadiisa.

Bulshada rayidka waxa ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii dalka ay ugu dhici lahaayeen doorashooyin nabdoon waxeyna balan qaadayaan in ay kala shaqeyn doonaan ra’isul wasaaraha iyo intii lug ku leh arimaha doorashooyinka.

Bulshada rayidka waxa ay ku baaqayaan in guddi wax ka qabta dhibaatooyinkii ka dhashey gacan ka hadalkii dhex marey ciidamo kawada tirsan dowladda isla markaasna ka shaqeeya sidii loo soo celin lahaa kalsoonidii ciidamadda dalka loona xaqiijiyo sugista amaanka dhaqdhaqaaqyada siyaasiviinta.

Ugu danbeyntii Bulshada Rayidka waxa ay ugu baaqeyaan dhamaan dhinacyada inay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee dadka kala qaybinaya kana wada shaqeeyan sidii xasiloonida loo adkeyn lahaa dalkana doorashooyion nabdoon uga dhici lahaayeen.

DHAMAAD

Related posts

Askar ku Dhimatay Rasaas Xalay loo Ridayay Dabaal Dega 26-ka June.

Heemaall

Masuul Soomaaliyeed Oo Qarax Lagu Dilay

Heemaall

Madaxwaynaha Oromada Oo Go’aan Adag kasoo Saaray Dagaalka TPLF kula Jirto Dawlada Itoobiya.

Heemaall