Heemaal News Network

Burcad Sumeyn Rabtay Biyaha Magaalo ku Taalla Mareykanka Oo la Fashiliyay.

Qof ka mid ah burcadda kumbuyuutarrada wax ku kharriba ah ayey u suurtagashay in uu gacanta ku dhigo qalabka lagu maamulo adeegga biyaha ee la siiyo magaalo ku taalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka, kaddibna wuxuu isku dayay in uu kiimiko “khatar ah” ku daro biyaha shacabka loo sii daayo, sida ay saraakiisha dalkaas sheegeen.

Burcadka ayaa xoogaa ku kordhiyay saddiga kiimikada loo yaqaanno “sodium hydroxide (lye)” ee lagu daro biyaha la siiyo magaalada Oldsmar, isagoo isticmaalaya qalabka lagu daweeyo biyaha, si loo nadiifiyo.

Laakiin, nasiib wanaag waxaa arkay mid ka mid ah shaqaalaha, kaasoo durbadiiba ka hor tagay falkaas halista ah.

Kiimikada Lye ayaa loogu talo galay in xaddi aad u yar laga isticmaalo si loogu ilaaliyo fayoqabka biyaha, balse haddii wax badan lagu daro biyaha waxaa ka dhalan kara dhibaato weyn.

Duqa magaalada Oldsmar, Eric Seidel ayaa yidhi: “Qof xun ayaa falkaas ku kacay.”

Ma jirto cid ilaa hadda loo xiray arrintaas, lamana oga in qofka falkaas sameeyay uu ku sugan yahay gudaha Mareykanka iyo in uu dibadda ka joogo toona.

Mid ka mid ah kumbuyuutarrada laga maamulo biyaha magaalada Oldsmar ayaa la jabsaday maalintii Jimcada.

Qof ka shaqeeya warshadda biyaha nadiifisa ayaa subaxnimadii arkay isku day loo sameynayay in lagu isticmaalo kumbuyuutarka, balse wuxuu maleeyay in qofka u gacan dhaafaya uu yahay maamulihiisa, sida uu qoray wargeyska Tampa Bay.

Laakiin isku day kale ayaa la sameeyay galabtii, markaasna qofka burcadka ah ayey u suurtagashay in uu dhaco qalabka nadiifinta biyaha, islamarkiina wuxuu kordhiyay xadiga kiimikada dowladdu ugu talagashay in uu ahaado halkii malyan ee liitarba 100 balse burcadka ayaa tiradaas ka dhigay 11,100, balse ninkii shaqaalaha ahaa ayaa ku celiyay tiradii caadiga ahayd.

Sodium hydroxide waa kiimikada ugu weyn ee loo adeegsado nadiifinta biyaha tubooyinka sii mara.

Waa sun halis ah oo waxyeello u geysan karta maqaarka iyo indhaha, sidoo kalena sababi karta in ay timaha daataan, balse haddii uu qofku cabo waxay dhaawici kartaa afka, dhuunta iyo caloosha intaba, waxayna kiimikadaasi horseedeysaa in qofku bilaabo matago iyo shuban.

Taliyaha booliska Pinellas, Bob Gualtieri ayaa yidhi: “Anigu ma ihi seynisyahan. Laakiin waxaan ogahay in haddii aad xaddiga intaas la eg ku shubto biyaha aysan ahayd wax fiican.”

Shirkadda biyaheeda la sumeyn rabay ayaa adeegga biyaha siisa dad gaaraya ilaa 15,000 oo daggan magaalada Oldsmar, iyadoo si ku meel gaar ah u demisay kumbuyuutarkii la jabsaday.
Xigasho BBC

Related posts

Isku-day Xukunka Looga Tuuro Imran Khan Oo ka Socda Pakistan.

Heemaall

Wariye Afgaanistaan ah Oo ku Geeriyooday Qarax Loogu Xiray Gaarigiisa.

Heemaall

Dowladda Shiinaha Oo Dalkeeda ka Mamnuucday Warbaahinta Bbc-da.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More