Heemaal News Network
somali

Burundi Oo ka Digtay in Ciidanka AMISOM Laga Saaro Somaliya.

Madaxweynaha Dalka Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa hadalkaasi ka jeediyey Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta gelinkii dambe ee shalay si wadajir ah ugu qabteen the State Lodge ee magaalladda Kismu ee dalka Kenya.

Madaxweynaha Burundi oo shalay booqasho 2 maalmood ah ku tegay Kenya waxa uu kaga qeyb galayaa Munaasabadda Maalinta Fasaxa Qaranka Kenya ee Madarka Day oo maanta loo dabaal degayo.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku dhuftay in haddii Ciiddanka AMISOM Wada-Tashiyo la’aan darteeda looga soo daad-gureeyoSomalia inay taasi waxyeeli karto Guulihii ay Ciiddankaasi horey u gaareen ee Soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka ee Somalia iyo Mandiqadda.

“Hindise kasta oo lagu yareynayo Ciiddanka AMISOM ee ku sugan Somalia waa in la qiimeeyaa Cabsida ka imaanayso Alshbaab, si aan loo lumin qeybo ka mid ah Xuduudaha ay horey ula wareegeen AMISOM” ayuu yiri Madaxweynaha Burundi.

Waxa uu sii raaciyey in dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia iyo Ururka Midowga Afrika waajib tahay in La-tashiyo ballaaran ka yeeshan qorshe kasta oo lagu dhimayo Ciiddanka AMISOM.

Dalka Burundi waxa uu ka mid yahay dalalka Afrikaanka ee ay Ciiddamada ka joogaan Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee QM waxay bilowgii sanadkanu codeeyey Qaraar Xilli-kordhinta ee Hawlgalka AMISOM, iyadoo la qorsheeyey in dhamaan Ciiddanka AMISOM laga daad-gureeyo Soamlia bisha December ee sanadkan 2021-ka.

Related posts

Hoggaamiyaha Maleeshiyaadka ay Taageerto Iiran Oo Hanjabaad Adag U Diray Mareykanka.

Heemaall

Yuhuuda Oo Mar Kale Maanta Gashay Masjidka Quddus

Heemaal

Dood ka Taagan in Hawenay Ay Noqoto Qaadiga Muslimiinta Dalka Kenya.

Heemaall