Buuq Hadheeyey Madaxda USA Iyo USSR Oo Ku Kulmi Doona Magaalada Helsinki Ee Dalka Finland

Madaxweynayaasha dalalka Ruushka iyo Maraykanka ayaa ku kulmi doona maalinta Isniinta magaalo madaxda dalka Finland ee Helsinki.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey in uu kulankani u dhici doon, sidii la qorsheeyey, waxayna meesha ka saareen carqaladaha la doonaayo in lagu baajiyo kulnakaa, oo eedaynata ugu wayni tahay, fara galintii la sheegay in Ruushku ku sameeyey doorashadii Maraykanka.

Dhanka Ruushka Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka waxay sheegtay in eedeymaha lagu doonaya in lagu waxyeello kulanka Trump iyo Putin.

Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay inaysan caddayn u haynin in muwadinii Ruush ah ama sarkaal miltariga ka tirsan uu ku lug lahaa wax farogelin ah.

Ruushku wuxuu sheegay inuu ka dhuur sugaya qabsoomidda kulanka labada hoggaamiye.
Yuri Ushakov oo ah la taliyaha aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin wuxuu sheegay in xiriirka labada dal uusan wanaagsanayn balse hadda ay bilaabayaan dadaallo lagu wanaajiyo.

© Heemaal News Netwok