Heemaal News Network
somali

C/raxman C/shakuur Oo Farmaajo Ugu Baaqay Inuu ka Hadlo Dhalinyaradii loo Qaaday Eritrea

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku dhaliilay Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday in uusan wali ka hadlin dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea .

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in Madaxweynaha iska indha tirayo caruurta waalidiintooda ka maqan tahay, waxa uuna xusay in Guddigii xukuumada magacawday warkooda dib dambe loo maqlin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xukuumada xilgaarsiinta in dhalinyarada ku maqan dalka Eritrea dib loogu soo celiyo waalidiintooda intii dal shisheeye laga dagaal galin lahaa.

“Waa in dawladnimo, diin, damiir, iyo waalidnimo midkood idin damqiyaa. Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo xukuumada xilgaarsiinta in ay waalidiinta ubadkooda intii nool u soo celiyaan, intii dagaal shisheeye ama dayac kale u dhimatayna uga run sheegaan.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Related posts

Dawlada Hoose Oo Hawlgal Banayn ah ka Bilowday Saylada Xoolaha Borama Oo la Dhisayo.

Heemaall

Kheyre Oo la kulmay Gudoonka Guddiga Doorashooyinka.(Sawirro)

Heemaall

Malaayiin Dollar Oo Loogu Tala-galay la Dagaallanka Al-Shabaab Oo Lagu Lunsaday Kenya.

Heemaall