Heemaal News Network
somali

Cabdi Qaybdiid Oo Ka Digay Xil Ka Xayuubinta Rooble

Cabdi Qeybdiid ayaa uga digay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada inay qaadaan go’aamo waxyeeleyn kara tallaabadii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay goor dhow magaalada Muqdisho ayuu Cabdi Qeybdiid ka sheegay in uu jiro shaki ah in baarlamaanka uu qorsheynayo inuu carqaladeeyo horumarka doorashada laga gaaray.

“Waxaan uga digayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada in aysan ku dhaqaaqin wax carqaladeynaya doorashada, haddii arrintaas imaatana cawaaqibka ay leedahay iyo dhibaatada ka timaada iyagaa qaadaya,”ayuu yiri Senatar Qeydiid.

Sidoo kale Senatar Cabdi Qeybdiid oo maalmihii la soo dhaafay dadaal xoog leh ugu jirey sidii xal loogaga gaari lahaa xiisada ka soo cusboonaatay caasimada ayaa sheegay in go’aankii baarlamaanka ee 12-kii bishab ay ahayd April ay sababtay in dad badan u dhinteen,kuwo u dhaawacmaan halka kumanaan qoysna ka barakaceen guryahooda.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo xoogeysanayay shakiga ah in Baarlamaanka uu doonayo in kalsoonida kala laabto Ra’iisul Wasaare Rooble.

Related posts

Musharax ka Haryimid Guddiga Doorashada Uu R/W Rooble Shaaciyay.

Heemaall

Musharax Prof. Abokor Siciid Oo Ka Dayriyay Xaalada Abaarta Ee Awdal Ka Jirta

Heemaall

Wasiir Boos Oo Si Adag Ugu Jawaabay Gudoomiyayaasha Ciro Iyo Faysal Cali.

Heemaall