Heemaal News Network
somali

Cadadka Lacagta Uu la Baxsaday Madaxweyne Ashraf Ghani Oo Lagu Dhawaaqay.

Madaxweynihii ka baxsaday dalka Ashraf Ghani Afghanistan oo la xaqiijiyay inuu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta kadib markii uu ka cararay Kabul ayaa waxaa lagu eedeeyey inuu la baxsaday lacag aad u fara badan.

Safiirka Afghanistan u fadhiya Tajikstan ayaa ku eedeeyay Ghani inuu watay ku dhawaad 169 milyan oo doollar markii uu baxay Axaddii.

Wuxuu ku tilmaamay duulimaadkii Madaxweyne Ghani khiyaano dalka iyo qarankaba uu ku sameeyay, isagoo madaxda kale ee dalka u sheegay inuu aadayo safar shaqo.

Danjire Mohammad Zahir Aghbar, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay caasimadda Tajikstan ee Dushanbe.

Related posts

Ahmed Madoobe Oo Canbaarayn kala Kulmay Talaabadii Uu ku Furay Tararnka Ciyaaraha

Heemaall

Kooxo Hubeysan Oo Nairobi ka Afduubtay Aqoonyahan Somali ah.

Heemaall

Xisbiga Ucid Oo Laga Caydhiyay Siyaasi Ramaax Oo Kasoo Horjeestay Isbahaysiga Mucaaridka.

Heemaall