Heemaal News Network
somali

Cagjar Oo Difaacay Xoriyada Hadalka Ee Deegaanada DDS

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa mar uu ka hadlayay kulankii xildhibaannada, waxa uu ka hadlay arrin inta badan laga hadlo oo ah arrinta xorriyadda hadalka.


Waxa uu Madaxweyne Mustafe cagjar xusay in xorriyadda hadalka ee ka jirta degaanka Soomaalida aysan ka jirin dunida inteeda kale, oo uu tusaale usoo qaatay Ingiriis iyo Maraykan, oo uu sheegay in wadamadaasi uu jiro ganaax ladul dhigo qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka.

Waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay ka dowlad ahaan in lala qabsado arrinta ganaaxa qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka, oo xariggii qofka loogu baddalo ganaax kale oo xanuujiya, haddii laga fiirsan waayana qofkii la xiro.

Xorriyadda hadalka ayay in badan dowladdu ka hadashay, horey waxay dowladdu u sheegtay in dadku aysan horey ula qabsan xorriyadda hadalka, maadaama in badan shacabka lasoo cabudhin jiray, balse waxay dowladdu carrabka ku adkaysay in wax walba xad leeyahay, qofkii xadkaas ku xad gudbaana laga tallaabo qaadayo.

Xorriyadda hadalka ayaa degaanka Soomaalida ka hirgashay wixii ka dambeeyay isbaddalkii ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida dabayaaqadii sannadkii 2018, xilligaas wixii ka dambeeyay dadku fikirkooda ayay si xor ah u cabbiraan, iyadoo dowladduna ay intii dambe billowday inay ka tallaabo qaado ciddii ku xad gudubta xorriyadda hadalka.Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, ayaa mar uu ka hadlayay kulankii xildhibaannada, waxa uu ka hadlay arrin inta badan laga hadlo oo ah arrinta xorriyadda hadalka.

Waxa uu Madaxweyne Mustafe cagjar xusay in xorriyadda hadalka ee ka jirta degaanka Soomaalida aysan ka jirin dunida inteeda kale, oo uu tusaale usoo qaatay Ingiriis iyo Maraykan, oo uu sheegay in wadamadaasi uu jiro ganaax ladul dhigo qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka.

Waxa kale oo uu sheegay inay muhiim tahay ka dowlad ahaan in lala qabsado arrinta ganaaxa qofkii ku xad gudba xorriyadda hadalka, oo xariggii qofka loogu baddalo ganaax kale oo xanuujiya, haddii laga fiirsan waayana qofkii la xiro.

Xorriyadda hadalka ayay in badan dowladdu ka hadashay, horey waxay dowladdu u sheegtay in dadku aysan horey ula qabsan xorriyadda hadalka, maadaama in badan shacabka lasoo cabudhin jiray, balse waxay dowladdu carrabka ku adkaysay in wax walba xad leeyahay, qofkii xadkaas ku xad gudbaana laga tallaabo qaadayo.

Xorriyadda hadalka ayaa degaanka Soomaalida ka hirgashay wixii ka dambeeyay isbaddalkii ka dhacay dowlad degaanka Soomaalida dabayaaqadii sannadkii 2018, xilligaas wixii ka dambeeyay dadku fikirkooda ayay si xor ah u cabbiraan, iyadoo dowladduna ay intii dambe billowday inay ka tallaabo qaado ciddii ku xad gudubta xorriyadda hadalka.

Related posts

Madaxweynaha South Sudan Salvakiir Oo Warqadaha Aqoonsiga ka Gudoomay Safiirka Somalia.(Sawirro)

Heemaall

Cuqaal si Adag Uga Hadashay Dhacdo Nin lagu Dhaawacay Oo ka Dhacday Gobolka Sanaag

Heemaall

Kooxdii Fulisay Qaraxyadii Kambala Oo la Shaaciyay, Iyo Qarax kale Oo la Fashiliyay

Heemaall