Heemaal News Network
somali

Canfarta Oo Xasuuqday 400 Oo Shacab Somali ah Iyo Dagaalo ka Socda Deegaano ka Tirsan Itoobiya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta oo maanta dib uga qarxay dalka Itoobiya, kadib markii maamulka Cafarta ay xasuuqeen dad gaaraya 400 oo qof oo Soomaali ah.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa haatan wuxuu ka socdaa duleedka magaalada Garba Ciise oo ku taalla wadada dheer ee isku xirta wadamada Itoobiya iyo Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhexeeyo xoolo dhaqato Soomaali ah iyo sidoo kale maleeshiyaad ka soo jeedo dhanka deegaanka Canfarta.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dhawaaqa rasaasta si xoogan looga maqalayo magaalada & agagaarkeeda, waxaana la’isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa sidoo kale daba socda mid kale oo todobaadkii hore ka dhacay aagga haatan lagu dirirayo, waxaana ku dhintay Soomaali fara badan.

“Dadka gudaha ku jira ee aan la xiriirnay waxay innoo sheegeen dad illaa 350 qof illaa 400 u dhexeeyo in lagu dilay halkaasi,” ayuu yiri Maxamed Rooble Maxamuud oo ah wasiir ku xigeenka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Si kastaba dagaalka labada dhinac ee haatan dib u bilowday ayaa kusoo aadaya, xilli shalay maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya uu shaaciyey inuu difaaci doono dadka Soomaalida ah ee deggan aagga magaalada Garba Ciise iyo deegaannada kale ee ku dhow.

Related posts

Wasiirkii Reer Afgaanistan ah Oo Isku Bedelay Cunto Geeye.!(Sawirro)

Heemaall

Farmaajo Oo Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Cusub Ee Itoobiya.

Heemaall

Sababta Weerarada Dhallinyarada Somalida Uga Geysteen Jarmalka Oo la Shaaciyey.

Heemaall