Heemaal News Network
somali

Caruur Iyo Macalinkoodii Oo Lagu Toogtay Magaalada Kazan Ee Dalka Ruushka.(Sawirro)

Ugu yaraan toddobo carruur ah iyo macalinkii wax barayey ayaa lagu toogtay iskuul ku yaalla magaalada Kazan ee dalka Ruushka, sida ay sheegayaan saraakiisha dalkaas.

In ka badan 20 qof oo u badnaa carruur ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen halkaas, waxaana weerarkaas geystay rag hubeysan oo aan la ogeyn ujeedkooda.

Weerarka ayaa ka dhacay bariga Moscow gobolka ay muslimiinta ku badan yihiin ee Tatarstan.

Ra’iisul Wasaaraha Ruushka Mikhail Mishustin ayaa dhacdada ku tilmaamay mid murugadeeda leh halka hoggaamiyaha gobolka Tatarstan.uu ku tilmaamay masiibo weyn.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay in dib u eegis uu ku sameyn doono xeerarka xakameynta hubka ee dalkaas.

Related posts

Dagaalyahano Somali ah Oo ka Tirsanaa Kooxda Xuutiyiinta Oo Dagaal Lagu Dilay.

Heemaall

Banaanbaxyo ka Billowday Qaar ka Mid ah Magaalooyinka Afganistan.

Heemaall

Xamaas Oo Shuruud Ku Xidhay Israa’iil

Heemaal