Heemaal News Network
somali

Caruur Iyo Waayeel Lagu Dilay Toogasho ka Dhacday Maraykanka.(Sawiro)

Booliska ayaa sheegay in shan qof oo ay ku jiraan labo caruur ah ay ku dhinteen toogasho ka dhacday gobalka South Carolina ee dalka Maraykanka

War ka soo baxay Booliska ayaa intaas ku daray in qof kale oo dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarka loo qaaday isbitaalka.

Dadka dhintay waxaa ugu weyn qof 70 jir ah waxaana u yar cunug jira 5 sano sida lag soo xigtay laamaha denbi baarsita ee Mareykanka.

Howlgal ay Booliska sameeyeen ayay mar danbe ku soo qabteen qof lagu tuhunsan yahay inuu weerarka geystay oo ku dhuumanayay guri u dhaw goobta ay wax ka dhaceen.

Lama oga sababta ka dambeysa toogashadan oo nooceeda ay sanadahan dambe ku soo badanayeen gudaha Maraykanka, waxaana socda baaritaano Boolisku wadaan.

Related posts

Ciidamada Eritrea Oo Maanta Bilaabay Inay Isaga Baxaan Gobolka Tigray Ee Itoobiya.

Heemaall

Imaaraadka Oo Hawl-galiyay Markii Ugu Horaysay Warshada Tamarta Nukliyeerka.

Heemaall

Dagaal Mar-kale Dhexmaray Ciidamada Ismaamulka Somalida Iyo Kuwa Canfarta

Heemaall