Heemaal News Network
somali

Caruur ku Dhimatay Dab ka kacay Xaafad ka Tirsan Hargaysa.(Sawiro)

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in labo caruur oo walaalo ah xalay ku geeriyoodeen dab xoogan oo ka kacay gurigii ay ku noolaayeen.

Ciidamada dabdamiska maamulka Somaliland ayaa ku guul dareestay in si deg deg ah dabka u damiyaan una bad baadiyaan labada caruur ee dabka ku geeriyootay iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay.

Sida aan wararka ku hel nay labada caruur ee geeriyootay ayaa waxaa dhalay askari katirsan ciidamada maamulka Somaliland , waxaana aabahan xiliga dabku ka kacayay gurigiisa ku maqnaa howlo shaqo.

Duqa cusub ee magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo masuuliyiin kale ayaa booqday guriuga dabka ka kacay ee caruurta ku geeriyoodeen, waxa ayna tacsi u direen ehelada caruurta dabkaasi ku geeriyootay.

Guriga xalay dabka ka kacay ee caruurta ku geeriyoodeen ayaa la sheegay in ciidamada Dabdamiska Somaliland ku adkaatay in deg deg ku gaaraan kadib markii ay waayeen wado ay gurigaasi u maraan.

Related posts

Ethiopia Oo Safiir Cusub Usoo Magacowday Somaliya.(Sawiro)

Heemaall

M/Madoobe Oo Furay Tartanka Kubada Cagta Ee Jubaland Waqti Qarax Lagu Dilay Kooxda JCCI.(Sawiro)

Heemaall

Jaamacadda Carabta Oo War kasoo Saartay Doorashada Somaliya

Heemaall