Heemaal News Network
cayaaraha

Cayartoyda Manunited Oo Ka Guuxay Magacaabista Ralf Rangnick

Ciyaartoyda Manchester United ayaa lagu waramayaa inay ka xumaadeen qaabkii ay kooxda heshiis u la gaartay tababare Ralf Rangnick.

Ciyaartoyda iyo shaqaalaha ayaa la dhicin inay maamulka kooxda ka qariyeen wadahadalkii ay kula jireen tababaraha reer Jarmal islamarkaana aan iyaga wax watashi ah laga gelinin magacaabistiisa.

63 jirkaan ayaa Man United tababare u noqon doona ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedkan isagoo bedelaya Ole Gunnar Solskjaer oo la ceyriyay Axadii.

Sida ay sheegtay jariirada Daily Star, qaar ka mid ah ciyaartoyda kooxda ayaa ka carooday inaysan wax wargelin ah ka helin maamulka kooxda.

Warka ku saabsan magacaabista tababare Ragnick ayaa noqday mid ay warbaahinta si hoose u heshay iyadoo aan la ogeysiinin ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda.

Ma jirin qof ka tirsan maamulak kooxda oo si shaqsi ah ama fariin WhatsApp ah ku wargeliyay ciyaartoyda inay magacaabayaan tababaraha Jarmalka, waxayna ciyaartoyda warkaan ka arkeen jariirada The Athletic oo shaacisay.

Man United ayaa dooneysay inay qarsoodi ka dhigto wadahadalka ay kula jirto macalinka reer Jarmalka, laakiin waxay haatan noqotay mid lawada ogyahay inuu noqonayo tababaraha xiga ee Man United.

Waxaa la sheegay inay heysteen liiska shan nin oo u sharaxnaa shaqada laakiin waxay doorteen Rangnick oo ahaa madaxa isboortiga iyo horumarinta kooxda reer Russia ee Lokomotiv Moscow.

Waxaa laga fasaxayaa shaqadiisa oo uu ku qaadanayay sannadkii 3.8 milyan ginni, taasoo la micno ah in United aysan bixin doonin wax magdhow ah.

Rangnick oo tababare u soo noqday kooxaha RB Leipzig, Hoffenheim iyo Schalke ayaa weli u baahan inuu helo sharciga shaqada UK.

Waxay taasi la micno tahay in Michael Carrick uu kooxda ku hogaamin doono kulanka Chelsea ee Axada ka dib markii uu guul ku bilowday shaqadiisa ku meel gaarnimo kulankii Villarreal ee Champions League.

Related posts

Mikel Arteta Oo Qirtay In Uu Kooxdiisa La Daadagay “Koox Liidataan Nahay”

Heemaall

Real Madrid Oo Garaacday Barcelona, Messi Oo Wajigabax Kala baxay Garoonka

Heemaal

Horyaalka Premier League Oo Maanta Go’aan Laga Gaadhayo Haddii Uu Sii Socon Karo

Heemaal