Heemaal News Network
cayaaraha

Chelsea Oo Koobka FA Cup Ka Reebtay Manchester City

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u gudubtay finalka FA Cup kaddib markii ay ciyaar adag oo Wembley ka dhacay ay 1-0 ku garaaceen Manchester City.

Chelsea ayaa ciyaar tayadeedu sarrayso qaybtii hore ku dawakhisay Man City, isla markaana si aan beryahan laga arag City hoos ugu dhigtay kubbad haynteeda, taas oo ay gaadhsiisay boqolkiiba 35.

Tababare Thomas Tuchel ayaa kooxdiisu ay bilowgii ciyaarta dhalisay gool uu u saxeexay Hakim Ziyech, laakiin waxa lagu qabtay OFFSIDE iyadoo uu falcelin degdeg ah sameeyey VAR, waxayse goolka madiga ah ee ciyaarta go’aamiyey qaybta labaad u dhaliyey Hakim Ziyech soo si aanu muran ku jirin goolka ugu hubsaday kubbad heersare ahayd oo uu usoo dhiibay Timo Werner.

Manchester City ayaa qaybta dambe ahayd kooxda ku badan maamulka ciyaarta, laakiin dhaawac soo gaadhay Kevin de Bruyne ayaa wiiqay awooddoodii gool-dhalinta, halka Blues na ay difaac adag kala hor-tagtay.

Labada kooxoodba waxay heleen fursado ay goolal u beddeli karayeen qaybta dambe, balse waxa hal fursad ka faa’iidaysatay Chelsea oo gool labaad uu u dhaliyey Pulisic oo beddel kusoo galay, laakiin waxa goolkana meesha ka saaray calanwadaha oo ku qabtay offside.

Chelsea ayaa finalka FA Cup la ciyaari doonta Leicester City iyo Southampton midkooda soo gudba, halka Man City ay ka burburtay mid ka mid ah riyooyinkoodii xilli ciyaareedkan oo ahaa in ay ku wada guuleystaan dhamaan tartamada maxalliga ah.

Related posts

Zinedine Zidane Ka hadlay Mustaqbalka Kylian, Messi, Iyo Ramos

Heemaal

Xulka Qaranka Soomaliya Oo xalay Guul Darro Dhabarka Loo Saaray

Heemaal

17 Kooxood Oo Xaqiijiyay In Ay Cayaarayaan Champions League 2021-2022

Heemaal