Heemaal News Network
cayaaraha

Chelsea Oo Ku Guulaysatay Koobka Horyaalka Naadiyadda Yurub

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku guuleysatay koobka horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League, iyadoo 1-0 kaga badisay Manchester City oo ay iskugu soo hadheen ciyaartii ugu dambaysay.

Chelsea ayaa markii labaad taariikhdeeda ku guuleysatay Champions League, waxaanay uga mahad-celinayaan da’yarka reer Germany ee Kai Havertz oo goolka u dhaliyey qaybtii hore.

Tababare Thomas Tuchel ayaa markii saddexaad muddo laba bilood ka yar ku garaacay Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester City, waxaana bilowgii ciyaartan ka nixiyey Timo Werner oo laba fursadood oo dahabi ah helay daqiiqadihii ugu horreeyey laakiin midna u dhiibay Ederson, midda kalena lugihiisu ka xadeen.

Daqiiqaddii 42aad ee qaybta hore ayuu Kai Havertz kubada u jaray goolhayaha kuna hubsaday shabaqa Manchester City, waxaanu goolkaasi ahaa midkii ugu horreeyey ee uu ka dhaliyey tartanka Champions League iyo midka guusha u horseeday Chelsea.

Chelsea ayay jug weyni soo gaadhay qaybtii hore markii uu dhaawac kaga baxay Thiago Silva, waxaase aan ka dambaynin Manchester City oo uu iyagana daqiiqaddii 60aad ka baxay Kevin de Bruyne oo uu dhaawac kasoo gaadhay markii ay isku dhaceen Antonio Rudiger.

Christian Pulisic oo beddel kusoo galay ayaa lumiyey fursad weyn oo uu ciyaarta kaga dhigi lahaa 2-0 qaybtii dambe, waxaase iyaguna fursado dahabi ah iska lumiyey Manchester City oo daqiiqaddii 90aad uu meel 6 yard u jirta goolka Chelsea uu Dias ka helay kubad.

Pep Guardiola ayaa canaan badan ku lahaa guul-darrada kooxdiisa, sababtoo ah, waxa uu fadhiisiyey ciyaaryahannada khadka dhexe ee kubbad-burburiyeyaasha ahaa ee Rodri iyo Bruno Fernandes, waxaanay taasi fursad u noqotay Chelsea oo ka shaqaysatay khadka dhexe, iyadoo ay qaban kari waayeen Kai Havertz.

Related posts

Dhakhaatiir Loo Maxkamadaynaayo Dhimashadii Maradoona

Heemaal

Ousmane Dembele Oo Guul Ku Hogaamiyey Barcelona

Heemaal

Manchester United Oo Guul Ka Gaadhay Burnley

Heemaal