Heemaal News Network
cayaaraha

Chelsea Oo Ku Kaliyeysatay Kaalinta Afaraad Ee Premier league

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si buuxda ugu fadhiisatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, iyadoo iska reebtay West Ham United oo ay isku dhibco ahaayeen.

Chelsea ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay West Ham United oo ay marti ugu ahayd London Stadium, waxaanay guushu ku soo raacday 1-0, iyadoo goolka madiga ahna uu u dhaliyey weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner oo muddo uu kaydka ku jiray kaddib isku muujiyey kulankan.

Chelsea ayaa yeelatay 58 dhibcood, kuna kaliyeysatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League, waxaanay saddex dhibcood ka sarraysaa West Ham oo shanaad ku jirta, halka Leicester City oo saddexaad fadhidana ay hal dhibic kaliya u jirto.

Related posts

Ousmane Dembele Oo Guul Ku Hogaamiyey Barcelona

Heemaal

Liverpool Oo Saddex Iyo Eber Ku Garaacday Arsenal

Heemaal

Natiijooyinka Cayaarahii Xalay Dhacay

Heemaal