Heemaal News Network
somali

Ciidamada Booliiska Oo soo Qab-qabtay Rag Lagu Tuhmayo inay Geesteen Dil Argagax Leh.

Ciidamada booliiska saldhiga degmada Caabudwaaq ee maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay rag lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dil maalmo kahor degmadaasi loogu geestay nin shacab ahaa.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq Farxaan Xuseen Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada sameeyeen kusoo qabteen dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dil loo geestay Odawaa Axmed oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Waxa uu sheegay taliyaha in ragan lasoo qabtay ay ku wadaan baaritaano ku aadan dilkan lagu tuhmayo, waxa uuna sheegay in baaritaanka kadib dadkan xiran u gudbin doonaan maxkamad si cadaalada loo horgeeyo.

Taliyaha Ciidamada Booliska degmada Cabudwaaq Farxaan Xuseen Xasan ayaa sheegay in kiiskan si fudud uga hari doonin, waxa uuna cadeeyay in dadkii ka dambeeyay dilkaasi cadaalada la marsiin doono.

Koox hubeesan ayaa gurigiisa ku dhax dilay Odawaa Axmed oo ahaa nin caan ka ahaa dCaabudwaaq kana sahaqeyn jiray dhismaha guryaha, waxaana dilkan noqday mid ay ka argagaxeen shacabka Caabudwaaq kuwaa oo dhigay banaan bax ay uga soo horjeedeen.

Related posts

Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Masuuliyiin Uu Dhawaan Magacaabay M/Biixi.

Heemaall

Khasaaro ka Dhashay Dagaalka Tigrey Oo ka Dhacay Goobo ka Tirsan Gobolka Canfarta.

Heemaall

Xasan Sheekh Oo Sheegay In Mukhtaar Roobow Afduub loo Haysto

Heemaall