Heemaal News Network
Soomaaliya

Ciidamada Oo ka Hadlay Dagaal ay Maanta kula Wareegeen Deegaano ka Tirsan Aw-dhiigle.(Sawiro)

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 16aad ee Danab ayaa Al-Shabaab Maanta kala wareegay Degaanka Tooratoorow oo hoosyimaada Degmada Aawdheeg ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa mid qorsheysan oo Ciidanka ay a kaga saarayeen deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaano kale.

Taliyaha Guutada 16aad Kumaandooska Xoogga Dalka G/le Ismaacil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in inta uu howlgalka socday Ciidamadda ay nolosha ku qabteen 10 katirsan Al-Shabaab oo uu kamid yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Shabeellaha hoose Macalin Abuukar.

Taliyaha ayaa intaasi kudaray tooratoorow inay ku taalay maxkamad ay Al-Shabaab Shacabka Soomaaliyeed uga qaadi jireen lacag farabadan oo ay ku sheegeen Zakawaad.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgalo Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab kaga saarayaan deegaannada Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo horey ula wareegay degaanada Sabiib, Caanoole iyo degmada Awdheegle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More