Heemaal News Network
Soomaaliya

Ciidamada Dowladda Oo Dhaqdhaqaaqyo ka wada Qeybo ka Mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah deegaannada ay gobolka ka maamulaan Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhawaan la wareegay gacan ku heynta degmada Jamaame ayaa warbaahinta u sheegay in ay hadda isku diyaarinayaan siddii ay u gaari lahaayeen deegaannada kale ee gobolka ay ka joogaan Al-shabaab.

Ciidamada ayaa ku wajahan deegaanada Sablaale iyo Kuntuwaarey, waxaana qorshaha ugu weyn ciidamada yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen degmada Kuntuwaarey oo ah degmada kaliya ee ka maqan gacanta ciidanka dowladda oo Al-Shabaab maamulaan.

Ciidamada dowladda ayaa dhanka kale howlgallo ka sameeyay inta u dhaxeysa Janaale iyo Buufow, waxaana howlgalkaas isugu jiraa miino baaris iyo xaqiijin amniga wadadaas, si ciidamada ugu soo maro saadka iyo sahayda.

Intii ciidamada howlgalada ka wadeen ayaa waxaa lala eegtay qarax miino, waxaana Al-Shabaab ay sheegatay inay ku dileen qaraxaas illaa 7 askari.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii ciidanka xoogga dalka oo taageero ka helaya Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo mareykan ah la wareegeen deegaanka Janaale, waxaana howlgalkaas uu qaatay maalmo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More