Heemaal News Network

Ciidamada Haramcad Oo Dhalinyaro ku Xir-xiray Magaalada Baledweyne.

Ilaa afar qof oo dhalinyaro ah ayaa maanta lagu xiray Saldhiga Booliiska Baledweyne kuwaas oo aay ciidamada Haramcad kasoo ka xeysteen Xaafada Xaawa taako gaar ahaan laanta Nuurxawaad.

Dadka aay ciidamada Haramcad maanta soo xirxireen ayaa isugu jiray ganacsato iyo dhalinyaro lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xarigooda, waxaana la sheegay in qaarkood jirdilo xoogan loo geystay.

Ciidamada Haramcad ee maanta soo xirxiray afarta ruux ee shacabka ah ayaa ah ciidamo dhawaan aay keentay magalada Baledweyne dowladda Soomaaliya waxaana maalmahii dambe si aad ah loogu dhex arkayay ciidamadani wadooyinka waaweyn ee magaalada dhexdeeda ah.

Xariga dhalinyaradan ayaa imaanaya xili aay wali xabsiga Nabadsugida Baledweyne aay ku xiran yihiin muddo ka badan 10 maalmood ilaa 6 ruux oo dhalinyaro ah oo isugu jira 3 Wiil iyo Gabdhood kuwaas oo lagu eedeyay kicin dadweyne.

Related posts

Galmudug Oo Aqoonsatay Qofkii Fuliyay Qaraxii Gaalkacayo Ee Lagu Dilay Saraakiisha.

Heemaall

Sacuudiga Oo Jawaab Adag ka Bixiyey Warbixintii Sirdoonka Maraykanka ka Daabacay Bin Salman

Heemaall

Kenya Oo Guddi Usaartay soo Celinta Xiriirka ay U Jartay Somaliya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More