Heemaal News Network

Ciidamada Harimacad Ee Ilaaliya Injineerada Turkiga Ee Dhisaya Jidka Afgooye Oo La Qarxiyey

Wararka aan ka heleyno deegaanka Carbiska oo u dhaw dehmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in qarax miino lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Illaa shan askari ayaa la sheegay in qaraxaas ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay, sida aan xogta ku helnay.

Askarta lala beegsaday qaraxaas ayaa ka mid ahaa ilaalada gaarka ah ee shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya laamiga dheer ee xariiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Inkastoo aysan weli sheegan hadana Al-Shabaab ayaa marar badan qarxiyey shaqaalaha, askarta iyo injineerda Turkida ah ee ku howlan dhismaha wadada laamiga ah ee xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Related posts

Israsaaseyn Caawa ka Dhacday Magaalada Muqdisho.

Heemaall

Galmudug Oo Dawlada Somaliya kala Hadashay Xal U Raadinta Maxaabiis ku xiran Garoowe

Heemaall

Askar ku Dhimatay Qaraxyo Lagu la Eegtay Shabeellaha Hoose.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More