Heemaal News Network

Ciidamada Indha Cade Ee Taageersan Musharaxiinta Oo la Wareegay Ammaanka Daljirka Dahsoon

Amaanka guud ahaan Taallada Daljirka Dahsoon ee lagu waddo in uu Berri ka dhacdo mudaaharaadka ay iclaamiyeen mucaaradka ayaa waxaa la wareegay ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo uu horkacayo Gen Yuusuf Maxamed Siyaad Idhacade.

Gen Idhacade oo warbaahinta kula hadlayay Daljirka Dahsoon ayaa sheegay in sababta ay halkaa u joogaan isaga iyo ciidamada uu horkacayo tahay in ay adkeeyaan nabadgalyada goobta oo ay Berri sida uu hadalka u dhiggay isugu imanayaan shacabka reer Muqdisho.

Wuxuu sheegay in xiliggan dalka wax dowlad ah ka jirin, sidaa daraadeed dadku xor u yihiin in ay muujiyaan shucuurtooda ku aadan in la helo dowlad iyo in aan sharciga lagu xadgudbin sida uu hadalka u dhiggay.

“Dalka dowlad ma laha, Baarlamaanka, waqtigiisu waa dhamaaday, Madaxweynaha waqtigiisu waa dhamaaday, Xukuumaddana waqtigeedu waa dhamaaday, sidaa daraadeed waa in dalkan uusan dib u noqon oo afar sano kasta doorashadii ay aheyd in la qabto lagu dhaqaaqo ayuu yiri ” Yuusuf Idhacade.

Waxaa uu intaa ku darray ”Madaxweynuhu wuxuu la mid yahay Cabdi Qaasimka Masar jooga oo kale ,Wasiiraduna anigoo Wasiir hore ah ayeey ila mid yihiin”

Bulshada Soomaaliyeed ayuu sheegay in uu xaqiijinayo in maalinta Berri ah uu dibadbaxaasi dhacayo isaga oo intaa ku darray in cid kasta oo arintaan ka hortimaado iyada mas’uuliyadeeda qaadi doonto wixii dhibaato ah ee ka yimaada.

Lama oga sida ay saacadaha soo socda wax isku badali doonaan iyadoo dhinaca kalana dowladdu ay waddo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah mudaaraadka maalinta Berri ah.

Related posts

Jawar Maxamed Oo Aqoonsan Waayay Hooyadiis Oo kusoo Booqatay Xabsiga.

Heemaall

Shacabka Norwey Oo Si wada Jir Ah Ugu Gurmayday Qoys Lagu Xumeeyey Oslo

Heemaal

Somaliland Oo Riyo ku Tilmaamtay Magacaabistii Yuusuf Garaad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More