Heemaal News Network
somali

Ciidamada Israa’iil Oo Duqeeyay Hoyga Hogaamiyaha Xamaas Ee Gaza.

Milatariga Israa’iil ayaa wali wada duqeymaha ay ka geesanayaan magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna ciidamada beegsanayaan dhismayaal kuyaala magaaladaasi ay ku tuhmayaan in ay joogaan xubno katirsan ururka Xamaas.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda dagaalka duqeeyeen guri uu magaalada Gaza uu ka degan yahay Hogaamiyaha Ururka Xamaas Yaxya Al Sinwar.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntan ay ciidamada Israa’iil la beegsadeen guriga Hogaamiyaha Xamaas, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Hogaamiyaha Xamaas xiliga duqeynta dhaceesay uusan joogin gurigaasi.

Ururka Xamaas ayaa dhankooda madaafiic ku garaacaya magaalada Tel Aviv ee caasimada Israa’iil , waxa ayna madaafiicdaasi cabsi badan ka abuurtay caasimada Israa’iil iyadoona dadku bilaabeen in guryaha shubka gabaad ka raadsadaan.

Dagaalka u dhaxeeya shacabka Reer Falastiin iyo ciidamada Israa’iil ayaa wali ka socda qeybo kamid ah dhulka reer Falastiin , waxaana ciidamada Israa’iil maalmo yar ku dileen in ka badan 150-qof oo shacab Falastiiniyiin ah ay ku jiraan caruur badan.

Related posts

Ciidanka Dowlad Degaanka Itoobiya Oo Gacanta ku Dhigay Hub Iyo Rag Watay

Heemaall

Qatar Iyo Imaartka Oo Xidhiidhkoodu Kobcay

Heemaal

Mucaaradka Somaliland Oo Cabasho Hor-dhigay Safiirka UK Ee Somaliya.(Sawirro)

Heemaall