Heemaal News Network
somali

Ciidamada Israel Oo Iskaga Baxay Masjidka Barakaysan Ee Qudus.

Askarta Israel ayaa la sheegay inay dib uga gurteen Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Quddus, kadib, maalmo ay rabshado socdeen, laguna dhaawacay Boqolaal Falastiiniyiin ah.

Bixitaankooda ayaa ku soo beegmay, kadib, markii ay Kooxaha Hubeysan ee Falastiin ay waqti u qabteen inay Ciiddankaasi kaga baxaan Masjidka Al-Aqsa iyo Tuulladda Xaaji Sheekh Jaraax ee Bariga magaalladda Quddus.

Ciiddanka Israel waxay kaloo weli sii wadaan inay Cirka iyo Badda ka duqeeyaan Deegaanadda Marinka Qasa.

Hadal ka soo baxay Milliteriga Israel waxay ku sheegeen inay Duqeymo la beegsadeen in ka badan 130 Goobood oo ku yaalla Qasa, iyadoo goobaha la duqeeyey ay ka mid yihiin Dhismaha Sirdoonka Milliteriga Ururka XAMAAS.

Ilaa 15 Dagaalame ayaa la sheegay inay ku shahiideen Duqeyntaasi.

Warbahinta Reer Falastiin waxay sheegeen inay Ciiddanka Israel qaadeen 130 weerar oo 40 ka mid ah ay fuliyeen Waaberigii hore ee saakayto oo Talaado ah.

Related posts

Madaxweyne Biden Iyo Kuxigeenkiisa Oo Xukunka Kadib la Hadlay Qoyska George Floyd.

Heemaall

Rooble Oo Uhuru Kenyatta U caddeeyay in uusan kala Hadli-karin Dacwada Badda

Heemaall

Baarlamanka Israel Oo Laalay Sharci ka Dhan ah Carabta Israel Oo la Hor-geeyay.

Heemaall