Heemaal News Network

Ciidamada Itoobiya Oo Dhalinyaro ka Qafaashay Gudaha Kenya Iyo Xiisad Oo Cirka Isku Shareertay.

Xiisad ka taagan xadka Itoobiya iyo Kenya ayaa cirka isku shareertay markii ciidamada Itoobiya ay 10 dhalinyaro ah oo u dhashay Kenya ka qafaasheen xadka dhinaca Kenya, iyagoo u kaxaystay dhinaca Itoobiya.

Shacabka ku nool magaalada Mooyaale ee Kenya ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo hubeysan ay kasoo tallaabeen xadka isla markaana ay gudaha usoo galeen dhinaca Kenya iyagoo ku raad joogo koox dhalinyaro ah.

Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in dhalinyaradan ay gabaad siiyeen xubno ka tirsanaa koox la yiraahdo OLF Shane kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weeraro is xig xigay oo ka dhacay galbeedka iyo koonfurta Itoobiya.

Dawlada Kenya ayaana wali ka hadlin dhacdadan, balse dadka deegaanka ayaa ciidamada Kenya ku eedeeyay inay daawanayeen markii ciidamada Itoobiya ay dhalinyarada ka dhex qabanayeen gudaha Kenya.

Militeriga Itoobiya ayaa haatan wadaa howlgallo ka wadaa koonfurta iyo waqooyiga Itoobiya kaas oo looga soo horjeedo kooxda OLF Shane, waxaana in maalmihii lasoo dhaafay uu dagaal culus ka dhacay deegaanada xadka xadka.

Horraantii bishan ayay aheyd markii, koox hubeysneyd oo ka tirsaneyd ururka OLF Shane ay 60 qof dileen halka ay dab qabadsiiyeen ilaa 20 guri oo ku yaalla deegaanno dhaca galbeedka Itoobiya.

Kooxda OLF Shane waxay horey uga tirsaneyd jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF, taas oo heshiis nabadeed la gashay dowladda markii uu xilka qabtay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Related posts

Shirkadaha ku Guulaystay Mashruuc Laga Hirgalinayo Somaliland Oo la Shaaciyay

Heemaall

Mid ka mid ah Musharaxiinta Mucaaradka ah Oo War kasoo Saaray Qodobadii kasoo Baxay Shirkii IGAD

Heemaall

Abiy Axmed Oo ku Gacan-seyray Codsi Uga Yimid Maamulka Gobolka Tigray

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More