Heemaal News Network
somali

Ciidamada Itoobiya Oo Lagu Eedeeyey Iney Dad Shacab ah ku Laayeen Kaniisado ku Taalla Tigray.

Madaxa ugu sarreeya kaniisadda Orthodox ee dalka Itoobiya ayaa ku eedeeyay dowladda inay xasuuq ka geysatay gobolka Tigray.

Wadaadkan oo lagu magacaabo Abune Mathias ayaa sheegay in dowladda habeen iyo maalinba ay ka shaqeyneysay sidii ay u burburin laheyd gobolka.

Abune Mathias oo qudhiisu kasoo jeedo Tigray ayaa sheegay in uu is xakameynayay markii uu Dagaalka ka qarxay gobolka, waana markii ugu horreysay uu ka hadlo xaaladda Tigray.

Wuxuu intaas ku daray in xitaa xasuuq laga fuliyay gudaha kaniisado ku yaalla, si bareer ahna loogu laayey dad fara badan oo aan hubeysneyn.

Dowladda Itoobiya waxay ku adkeysatay inay beegsaneysay hoggaanka TPLF balse aysan wax dhibaato ah u geysan shacabka.

Related posts

Hanti dhowraha Qaranka Oo Joojiyay Heshiisyada ay Galayaan Hay’adaha Dowladda

Heemaall

“Waxaa in khaladaadkii Lagu Arkay Doorashadda Lagu Saxaa Shirka”QM Oo Taageeray Shirka Muqdisho.

Heemaall

CC.Shakuur Oo Hogaamiye Kooxeedyo Danbiilayaal ah ku Tilmaamay Farmaayo Iyo Fahad Yaasiin.

Heemaall