Heemaal News Network

Ciidamada Itoobiya Oo Xoogaga Tigrey ka Qabsaday Magaalada Istaraatiiji ah Ee Adigrat.

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ka dagaalamaya woqooyiga Tigray ay magaalada Adigrat ka qabsadeen xoogaga TPLF.

Maamulka TPLF ee gobolka Tigray ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayey dagaalka ka dhacay magaalada Adigrat.

Midowga Afrika aya sheegay inuu ergo nabad raadin dirayo, waxaana isa soo taraya baaqyada Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta ah si loo helo marino gargaarka aadamenimo la mariyo.

Xukuumadda ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaan waxba ka soo qaadin dedaalka dhexdhexaadinta ah, waxayna intaas ku dartay iney ka go’an tahay in dagaalku sii socdo.

Jimcihii ayey aheyd markii dowladda sheegtay inay ciidamadeeda la wareegeen magaalooyinka Aksum iyo Adwa waxaana aad u adag in la xaqiijiyo wararkaas maadaama ay go’an tahay isgaarsiinta gobolkaas.

Related posts

Trump Oo Noqday Weeraro Uu U Qorsheeyey In Lagu Qaado Iran.

Heemaall

Komishanka Oo Daahfuray Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Gobolka Awdal.

Heemaall

Maxaa Ugu Waynaa Oo Ka Dhacay Caalamka Xalay?

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More