Heemaal News Network
somali

Ciidamada Kenya Oo Fashiliyay Weerar Lagu Qaadi Rabay Tuulo ka Tirsan Mandheera.

koox katirsan Al-Shabaab oo watay mootooyin, ayaa saakay weerar gaadmo ah ku qaaday askar ka tirsan kuwa amniga Kenya xilli ay roondo ka wadeen Gobolka Kutulo ee degmada Mandheera.

Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka, ciidanka Kenya ayaa iska caabiyay weerarka Alshabaab, waxayna ka furteen Alshabaab shan qori oo AK 47 ah, rasaas iyo suuman.

Sida uu sheegay Taliyaha Gobolka Waqooyi Bari, ciidamada amniga wax khasaare ah kama soo gaarin weerarka.

“Waxay u muuqatay in argagixisadu ay qorsheynaysay inay weerar culus ku qaado Kutulo, waana la fashiliyey”, ayuu yiri Taliyaha Booliska Mandheera, isagoo dadka deegaanka ka codsaday inay la wadaagaan xogta ku saabsan dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

Tan iyo bilowgii sannadkan, deegaanka Kutulo waxaa ka jiray dhaqdhaqaaqyo Al Shabaab ay sameynayeen, si ka duwan sanadihii hore taas oo loo aanayn karo dadaalka wadajirka ah ee ay sameeyeen hay’adaha amniga Kenya.

Related posts

Ardayda Jamacada Eelo Ee ICT Diplomta Oo Maanta Difacday Buugtooda Qalinjabinta.

Heemaall

Suxufiyiinta ka Hawlgala Awdal Oo Dhiig Ugu Deeqay Xarunta Kaydka Dhiiga Borama.

Heemaall

Shirkii Maanta Oo Natiijo La’aan Xidhmay Iyo Wadatashi Loo Dareeray

Heemaal