Heemaal News Network

Ciidamada Kenya Oo Rag ka Tirsan Al-Shabaab ku Dilay Keymaha Boni soona Bandhigay Agabkoodii

Ciidamada Difaaca Kenya ayaa subaxnimadii hore ee Axada maanta waxay sheegeen inay weerareen oo ay burburiyeen xero ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab oo ku taal Kaymaha weyn ee Boni.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay dileen afar xubnood oo Alshabab ah, waxayna goobta weerarka ka heleen qalab isgaarsiineed iyo hub ay u adeegsanayeen inay ku dhibaateeyaan deegaanka Lamu.

Intii lagu gudajiray weerarka, ciidamadu waxay sheegeen in ay xireen hal nin oo kamid ahaa dableyda Alshabaab oo su’aalo la weydiinayo.

Afar maalmood ka hor, kooxda Al-Shabaab ayaa afduubtay oo qoorta ka jartay nin odey ahaa oo kasoo jeeday degmada Wajeer, taasoo keentay in ciidamada amniga Kenya ay bilaabaan howlo baadi goob ah.

Related posts

Doon Galaafatay Nolosha 26 Qof Oo Ku Dagtay Harada Albert

Heemaal

Shirkaddaha Duulimaadyada Somaliya Oo Gaaray Heshiis ka Dhan ah Shacabka(Akhriso)

Heemaall

Ciidama FBI Oo Xabsiga Dhigay Ninkii Bililiqaystay Xafiiska Nancy Pelosi.

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More