Heemaal News Network

Ciidamada Maraykanka Oo Gacanta ku Dhigay Hub la Gelineyay Somaliya.

Ciidamada Maraykanka ee la socda Markabka USS Winston S. Churchill ee xambaara gantaalaha wax burburiya (DDG-81) ayaa sheegay in iyagoo raacaya xeerka caalamiga ah ay qabteen hub fara badan oo loo tahriibinayey Somalia.

Markabkan oo ka mid ah raxanta 5-aad ayaa ku jirey roondo joogto ah oo uu ku hubinayo amaanka xeebaha aan cidina ilaalin ee Somalia sida lagu sheegay qoraal ay soo saareen taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka.

Doonida la qabtay ayaa siddey hub noocyo kala duwan leh oo ay ka mid yihiin qoryaha boobaha ee Soomaalidu u taqaan Dabajeexa ama PKM iyo gantaal tuuraha RBG 7, sidoo kale waxaa ka mid ahaa qoryaha darandooriga u dhaca ee AK-47 iyo saanad kale.

Ciidamada Maraykanka ayaa markii ay kala wareegeen hubkii ay siday sii daayey doonta iyo shaqaalaha la socday, iyagoo siiyey biyo, lamana oga illaa hadda sababta au u fasaxeen.

Hubkan oo jawaanno lagu soo qariyey ayaan la sheegin illaa dalka laga keenay iyo cida rasmi ahaan loo waday, ciidamada maraykanka ayaana marar badan oo hore qabtay hub loo soo waday Somalia.

Markabka Winston S. Churchill wuxuu ka ambabaxay Norfolk, Virginia, 10kii Agoosto si loo ilaaliyo amniga badaha loona hubiyo xorriyadda marinka marinnada biyo mareenka ee muhiimka ah ee Somalia,

Maraakiibta Mareykanka raxanta 5aad, oo xarunteedu tahay magaalada dekeda ah ee Manama ee dalka Bahrain, waxay qabataa hawlgallo wadajir iyo mid badeed si loo taageero xulafada gobolka iyo la-hawlgalayaasha iyo danaha amniga qaranka Mareykanka ee Bariga Dhexe.

Related posts

Tiro Geel ah Oo ku Dhintay Moojado ka Kacay Hirarka Bada Jasiirada Mashaaikh Ee Saylac.(Sawiro)

Heemaall

Xisbiga Cusub Ee Barwaaqo Oo Maanta Lagu Daahfuray Jigjiga.

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo Shaaciyay Wakhtiga la Qabanayo Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbigaasi.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More