Heemaal News Network
somali

Ciidamada Mareykanka Oo Shaaciyay In Duqeyn Cirka ah ku Dileen 27 Shabaab ah

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo taageeraya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka , ayaa weerar dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaan dhaca duleedka degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen 18-kii bishan duleedka Buulo Burte ay ku dileen xubno badan oo katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay in duqeynta diyaaradahooda fuliyeen lagu dilay 27-xubnood oo katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab, waxa ayna sheegeen in duqeynta aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

“Qiimeynta hordhaca ah ee taliska ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu dilay 27 ka tirsan argagixisada Al Shabaab, isla-markaana aysan jirin waxyeelo ka soo gaartay dadka rayidka ah.” ayaa lagu yiri qoraalka AFrikom.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay sii wadayaan duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al Shabaab iyo taageerada ay siinayaan ciidanka dowladda, taliska ayaana sheegay in ay fasax u heestaan fulinta weerarada ka dhanka ah Al Shabaab.

Related posts

Jabuuti Oo Somaliya Uga Guuleysatay Xubinnimada Golaha Amniga, Nabada Midowga Afrika

Heemaall

Xildhibaan Ku Eedeeyay Xisbiyada Mucaaridka Inay Taageeraan Cadawga Somqliland

Heemaall

Xeerka Tamarta Oo loo Qaybiyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland.

Heemaall