Heemaal News Network
somali

Ciidamada Mucaaradka Oo Caawa la Wareegay Xarunta Degmada Howl-wadaag.

Ciidamo aad u hubeesan oo taabacsan Musharaxiinta mucaaradka kana soo horjeeda mudo kororsiga dowlada federaalka ayaa caawa dagaal la’aan la wareegay xarunta maamulka degmada Howlwadaag.

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa hubka ka dhigay ciidamo booliis ah oo ku sugnaa xarunta degmada Howlwadaag, waxa ayna ciidamada difaac ka galeen aaga xarunta degmada.

Ciidamada la wareegay xarunta degmada Howlwadaag ayaa horey ula wareegay Isgooska Dabka, iyo agagaarka Isgooska Sayidka iyo xaafado kale oo katirsan degmooyinka Howlwadaag iyo Wardhiigley, walow caawa laga soo saaray goobahaasi ay hore ula wareegeen.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa caawa ah mid aad u kacsan, waxaana qeybo kamid ah magaalada ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada ee ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo iyo ciidamo taabacsan musharaxiinta mucaaradka.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Kiro Iyo Iib ku Dooneysa inay ku Hesho Dekaddo!!

Heemaall

Xafladda Qalin-jabinta Machadka Culuum Dufcaddii 6aad Ee Magalada Borama

Heemaall

Abwaan Kujare Oo ka Horyimid Wada-hadal M/Biixi Ugu Baaqay Beesha Habar-jelo.” Biixiyaw Ilaa Lagu Badalo Waxba Isma…

Heemaall