Ciidamada NISA Oo Gacanta ku Dhigay Xubin ka Tirsan Daacish-ta Soomaaliya.

Taliska NISA ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada Amniga dowladda ku soo qabteen xubin ka tirsan kooxda Daacish magaalada Muqdisho.

Sida lagu shaaciyay qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in xalay fiidkii ay Ciidamada Amniga qabteen shaqsigan

‘’Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Novembar 2018, Magaalada Muqdisho ka soo qabtay shakhsi ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha. Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”ayaa lagu yiri qoraalka barta Twitter-ka ee NISA.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale taliska NISA uu sheegto qabashada xubno ka tirsan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, hasse ahaatee sheegashada hay’adda Nabad-sugida marnaba laguma muujiyo shaqsiyaadka la sheegay in la soo qabtay ama xitaa magac-yadooda.