Heemaal News Network
somali

Ciidamada Puntland Oo Ku Gacan Saydhay Magacaabis Uu Sameeyay Deni

Ciidamada Puntland ayaa ka hor yimid go’aan madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ugu magacaabay agaasime cusub ee Ciidamada PSF Punntland, kaas oo hoggaamin doono ciidamada.

Ciidanka Puntland waxay sheegeen in go’aanka uu “baalmarsanyahay sharciyada, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”

“Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Puntland.

Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland, sida laga soo xigtay war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Related posts

Suldaanka Beelaha Reer Maxamed Oo Shaaciyey Inqy ku Biireen Xisbiga Wadan.

Heemaall

Somaaliya Oo Qaramada Midoobay U Gudbisay Qorshaheeda Isbedelka Cimilada.

Heemaall

Salal Jaarati Oo Lagu Wareejiyay Agabka Naafada Oo Uga Timid Jaaliyada Otawa Ee Canada

Heemaall