Ciidamada Sirdoonka Muqdisho Iyo Saraakiisha Ciidanka Oo Cabsi Weyn Oo Xaga Sharciga Ahi Soo Wajahday

Wixii ka dambeeyay markii tiro Saraakiil ah xabsiga loo taxaabay kuwaasi oo loo haysto sida raggii Shabaabka ahaa ay ku weerareen xarumaha Wasaaradaha Amniga Iyo Arrimaha gudaha.

Saraakiisha Booliska iyo Nabad Suggida ayaa xilligaan waxaa soo food saartay Cabsi xoogan oo ku aadan in xabsiga la dhigo haddii ay dhacaan falal lidi ku ah dhanka ammaanka.

Xarunta dambi Baarista Booliska ayaa waxaa ku xiran Saraakiil Boolis iyo Nabad Suggid isugu jira, kuwaasi oo loo haysto sida ragga hubaysan ay ku gudbeen Koontarooladii ay joogeen.

Saraakiisha xiran waxa ay u badan yihiin Taliye unugyaal maamulaayay Koontaroolada Dabka, Suuq yaraha Sayidka, Dalcadda Sayidka iyo Koontaroolka Wasaaradda Arrimaha gudaha.

Koontaroolada Ciidamada ay joogaan ee aan loo ogoleyn inay maraan gaadiidka ayaa si wayn loo adkeeyay amnigeeda oo xittaa aanan laga sii daynayn gaari uu la socdo qof xanuunsan.

© Heemaal News Netwok