Heemaal News Network
Soomaaliya

Ciidammada Booliska Oo Xabsiga U Taxaabay Agaasimahii Tv-ga Universal Ee Somaliland.

Ciidammada Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay agaasimahii Talefeshinka Universal ee Somaliland, Maxamed Caabi Digaale.

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah suxufiyiinta ka hawl-galaTalefeshinka Universal, agaasimaha ayay ciidanku ugu galeen xafiiskiisa xilli shaqo badan ay socotay, kadibna xabisga u dhaadhiciyey.

Xarunta Hargeysa ee Universal ayaa markii ay ciidanku galayeen waxaa ku sugnaa agaasimaha iyo shaqaale kale oo shaqo maalmeedkooda caadiga ah watay.

Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidanka Booliiska Somaliland u xidheen agaasimaha, mana jirto faah faahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen xadhiggiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More