Heemaal News Network

Ciidamo Alshabaaba Oo Gugha U Gashay Gobolka NFD Ee Soomaliya

Dowladda Kenya ayaa soo saartay digniin cusub oo la xiriirta weeraro hor leh oo ay kooxda Al-Shabaab ka geysan karto gudaha dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saacadihii la soo dhaafay gudaha u galeen dalkaasi, si ay weeraro uga geystaan deegaanada ku yaalla xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale saraakiisha Booliiska ayaa intaasi ku daray 40 xubnood oo ka mid ah kooxda Al-Shabaab ay qorsheynayaan inay bartilmaameedsadaan deegaanada Amuma, Hamey iyo is-maamulka Garissa ee gobolka waqooyiga bari ee dalka Kenya.

Waraka ka soo baxay Booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay inay suuragal tahay in deegaanada kale ee aan helin digniinta lagu bartilmaameedsado saraakiisha dowladda.

Ugu dambeyn Booliiska Kenya ayaa ugu baaqay shacabka deegaanadaasi inay muujiyeen feejignaan dheeri ah oo ku aadan ka hortagga weeraradaasi.

Related posts

M/Biixi Oo Qaabilay Wafdi Sare Oo ka Socday Koonfur Afrika.(Sawiro)

Heemaall

Puntland Oo Shaacisay Kalluumeysato Soomaali & Ajaanib ah Oo la La’yahay.

Heemaall

Bin Salman oo U Hanjabay Kooxo Uu ku Tilmaamay Cadawga Sacuudiga.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More