Heemaal News Network
somali

Ciidamo Booliis ah Oo kala Xiray isku Socodka Gaadiidka iyo Dadka Baledweyne.

Ciidamo ka tirsan Booliiska ku sugan magaalada Baledweyne ayaa goordhaw xirtay wadada ugu muhiimsan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada Baledweyne.

Ciidamadaan oo ahaa kuwa aad u careysan ayaa rasaas ku kala ceyrinaayay dadka iyo gaadiidka isticmaalayay wadada laamiga ah ee halbowlaha u ah isku socodka guud ee magaalada Baledweyne.

Majirto ilaa hada war rasmi ah oo cadeynaya sababta ka dambeysa in ciidamadaan ka tirsan Booliiska ay xirtaan wadada laamiga ah, balse wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamadaan ay ka gadoodsan yihiin Mushaar la’aan soo wajahday.

Maha ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamo ka tirsan kuwa Hirshabeelle ay xirteen isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha magaalada Baledweyne, iyaga oo ka cabanaya Mushaar la,aan heyso.

Related posts

Abwaan Ku Jare Oo Dhaliilay Shirkii Beeshiisu ku Yeelatay Hargaysa Ee Lagu Taageeray Wasiir Kaahin.

Heemaall

Somaliland Oo Wacad Ku Martay Inay Awood kula Wareegi-doonto Dhulka Danta Guud Ee Burco

Heemaall

Isku-duwaha Wasaarada Deegaanka Ee Awdal Oo Xilkii Laga Qaaday.

Heemaall