Heemaal News Network

Ciidamo ka Gadooday Galmudug Oo Qabsaday Degmada Gelinsoor.

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee dhawaan tababarka loogu soo xiray Xerada dhanka-roone ayaa maanta sameeyey gadood cabasho ah

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ay qabsadeen qeybo ka mid ah degmada Galinsoor ee gobolka Mudug halkaasoo ay dhigteen labo jidgooyo, iyagoo gaadiidka u diidaya inay maraan.

Arintan ayaa sababtay in gaadiid badan oo u kala gooshayey gobolada dalka ay ku xayirmaan Galinsoor.

Saraakiisha ciidankan ayaa sheegay in inta laga siinaayo mushaharkooda oo ka maqan muddo lix bilood ah aysan furi doonin jidadka ay xirteen, waxaana kacsan xaalada Galinsoor.

Ma jiro illaa hadda war arrintan ku saabsan oo ka soo baxay Maamulka Galmudug, hase ahaatee wararka ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan maamulkaas ay ku howlan yihiin sidii ciidamada gadoodsan loo qancin lahaa, ayna ugu laaban lahaayeen xeryahooda.

Dhowr mar ciidankaan ayaa halkaas ka sameeyey Gaadood ciidan in kastoo xal laga gaaray arinkaan Xiligaaas Gadoodka Ay sameeyeen.

Related posts

Milatariga Somaliya Oo Howlgal Qorsheesan ku Qabtay Ragii Dilay Saraakiishii Galmudug.

Heemaall

Farmaajo Oo si Adag Uga Hadlay Qaraxii Saraakisha Lagu Dilay Ee ka Dhacay Gaalkacyo

Heemaall

Farmaajo Oo Kulan Gaar ah la Yeeshay RW Abiy Axmed.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More