Ciidamo Ka Socda Dalka Turkiga Oo Gaadhay Magaalada Doha Ee Dalka Qatar

Cutubyadii ugu horeeyey ee ciidamo ka socda dalka Turkiga ayaa Axadii shalay gaaray dalka Qatar, halkaasi oo ay ciidamada Qatar kula sameyn doonaan dhoolatus militari.

Dhoolatuska Militari ee ka dhacaya Qatar ayaa ah mid horey loosii qorsheeyey, wallow uu ku soo aaday xili ay xiisadi ka dhextaagan tahay dalalka Khaliijka.

Dowlada Turkiga iyo Qatar ayaa sanadkii 2014 wada saxiixday heshiis iskaashi dhinaca militari, kaasi oo hada la sheegay in lasii balaarin doono.
Dhinaca kale dowlada Turkiga oo xiriir todobaadkii hore la sameysay dowlada Sacuudiga si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Qatar ayaa lagu guuleysan waayey.

Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegay in uu ka diiday Turkiga codsi ah in ciidamada Turkida ay saldhig ka sameystaan gudaha wadanka Sacuudiga, arrintaasi oo ay Boqortooyada Sacuudiga sheegtay inay tahay mid ka horimaaneyso danaheeda ugaarka ah.