Heemaal News Network
somali

Ciidamo ka Tirsan Haramcad Oo Gadood Sameeyay.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa sheegaya in ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad in ay sameeyeen gadood .

Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa xirtay wadooyin muhiim ah oo kuyaala magaalada Jowhar gaar ahaan wadooyinka gala Madaxtooyada maamulka Hirshabelle iyo xarunta maamulka Gobolka, waxa ayna gaadiidka kusoo dhawaada ku ridayaan rasaas .

Sida aan wararka ku helnay ciidamadan ayaa dalbaday in laga wado magaalada Jowhar ay joogaan ku dhawaad sanad, waxa ayna sheegeen ciidamadan in ay ku adkaatay nolosha magaalada Jowhar oo dowlada geesay.

Ciidamadan ayaa magaalada Jowhar la geeyay xiligii ay dhacayeen doorashada maamulka Hirshabelle, waxa ayna ciidamadan oo rajo ka qabay in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho oo markii hore laga waday loo sheegay in ay sii joogayaan Jowhar.

Maamulka Hirshabelle iyo taliska booliiska Soomaaliya ayaan wali ka hadlin gadoodka ay ciidankan sameeyeen, lamana oga talaabada xigta ay qaadi doonaan ciidankan hadii la fulin dalabkooda ku aadan in Jowhar laga qaado.

Related posts

Maraykanka Iyo Midawga Yurub Oo Xanibaadii Ugu Horeysay kusoo Rogay Taliban.

Heemaall

Afhayeenka Daalibaan Oo Beeniyey Warar Laga Baahiyey Oo la Xiriira Israel.

Heemaall

Xisbiga Kulmiye Oo ka Hadlay Murashaxiin Xisbiyada Mucaaradka Laga Xidhay.

Heemaall